Qaamuusle LogoQaamuusle

jeedal

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

jeedal1
Magac lab
Suun adag oo dabo la qabsado leh oo fardaha iwm lala dhaco si ay orodka u badiyaan; nadi. ld jeydal.
Wadarta Magacan

-llo, m.dh

jeedal2
Magac labBaayoloji
Shaabuug qaab dherer yar leh ilaa 150 maykaroon/m. oo laga helo oogaada unugyada qaarkood, gaar ahan unugyada taranka ee socda. Tusaale ahaan isbeermatosowa, bakteeriya iyo qaar ka mid ah borotosowa.
jeedal3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Jeedal wax la dhicid.
Is-rogga falkan

-alay, -ashay