Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
la'1
Fal gudbe, isrogrogga 4aad
Wax, wax ka maqanyihiin ahaansho.
Is-rogga falkan
-'aa, -'ayd
la2
Magacuyaal yeele aan cayinnayn
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin.
Tusaale
“Waa la yiri”
la3
Horyaale
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi.
Tusaale
“Cali buu la socdaa”
“Wuu ila shaqeeyaa”
“Kursigaan la tag!”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Erey ulajeeddadiisu tahay: a) Dad ama cid aan la aqoon ama aan la magacaabayn ama aan la caddaynayn oo qofka wax falaya ama lagu falayo ama si ah ama si ku sugan, aan la sheegeyn (sida: waa la yimid; Cali baa la arkay; gabadhii la guursey; ha la is (= lays) laayo...). b) Qaadasho, wehelin, wax ku qabsasho, iyo waxyaalo kale (sida: la tag; ninka wiil baa la socda; bahal bay ul la dhacdey.
Aan haysan; aan lahayn; ka maqan; dhimman; ... (sida: nin lug la'; waa lacag la' yahay; toban saddex la' waa toddoba; ...).