Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
lųul1
Magac lab urur
Iniino kulkulucsan, sida dhagaxa u adag oo cad ama midab kale leh aadna qaali u ah, kuna dhex jira laba qalbac oo dhulman ah oo laga helo badda gudaheeda.
lul2
Magac dheddig urur
Wax jilicsan oo dabka la shidayo marka hore lagu huriyo.
lul3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax ruxid.
2
Wax meel ka soo lalmin.
Is-rogga falkan
-ulay, -ushay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Lu-sha)
Wax jilicsan oo dabka la shida hayo oo bilawga ah lagu huriyo.