Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
mataatax1
Magac lab
1
M. ah: hilib karis ka batay awgiis aad u jilcay.
2
Maro duugnimo awgeed aad u jilicday.
3
Miro aad u bislaaday.
4
ld motootax¹, mutuutax¹.
mataatax2
Magac lab
Fiisikis
Dhalan-rogga bu' kaahfale ihi iskeed ugu beddelanto bu' farcan ah taas oo ah ama aan ahayn kaahfale. Marka bixitaanka hal ama in ka badan oo saxarro ama footoono ah.
mataatax3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Hilib karis ka batay oo aad u jilcay noqosho.
2
Maro aad u duugowday noqosho.
3
Miro aad u bislaaday noqosho. ld motootax², mutuutax².