Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood.
2
Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood.
3
Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada.
4
Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
Wadarta Magacan
-so, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Naas-ka)
1. Mid kamid ah labada cad oo laabta dumarka ku yaal oo leh qurxub iyo xididdo caanuhu galaan ama maraan iyo ib, dhashoodu ka nuugto.
2. Cad kaas ka dhigan oo aan korin oo laboodka ku yaal.
3. Cad dhuuban oo candhada caanaleyda ka soo laallaada oo kolka la nuuga hayona ubadku afka gashado, kolka la lisa hayona, sacabka ama wax kale lagu xamatuuriyo.
4. Dhuun soo taagan oo wax laga shubo oo weelasha qaarkood lee yihiin; ib; gulgulo.