Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto.
3
Wadarta Magacan
-ooyin, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Qaadda-da)
1. Fandhaal; macalgad.
2. Bir yar oo wareegsan ama afargees ah, oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh, oo suumanka iyo wixii la mid ah inta madax lagaga xiro, madaxa kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto.