Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
qaansarroobaad1
Magac dheddig
Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
Wadarta Magacan
-dyo, m.dh
qaansarroobaad2
Magac dheddig
Fiisikis
Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.