Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
qabaal1
Magac lab
1
Weel xoldhan oo geed jirriddii laga qoro oo xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo.
2
Weel gudihiisa dadku ku mayrto iyo mid dharka lagu dhax meyro.
Wadarta Magacan
-llo, m.dh
qabaal2
Magac lab
Xisaab
Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg u dhexeeya oo iyol (oleli). Tubta bar socota sallax oo wadarta fogaanta ay u jirtaa laba barood oo maguuran ah ay tahay madoorsoome. Labada barood ee maguuraanka waxa la yiraahdaa kulmisyo.
Wadarta Magacan
-llo, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Qabaal-ka)
1. Weel xoldhan oo geed jirriddi laga qoro oo xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo.
2. (*) Weel qabaalka qoriga ah qaabkiisa leh, oo mid gudihiisa dadku ku mayrto, iyo mid dharka iyo wixii la mid ah lagu qasaashoba leh.