Qaamuusle LogoQaamuusle

qab

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

qab1
Magac lab
1
Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han.
2
Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
qab2
Magac dheddig
1
Bir dugaagga lagu dabo; birshabeel.
2
Labo shay isku dhacay dhawaaqooda.
3
Belo lamafilaan ah oo si kedis ah ku dhacda.
Wadarta Magacan

-bo, m.l

qab3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax mulki ahaan u haysasho.
2
Naag lahaansho.
3
Fikrad iwm si u aaminid.
4
Jirro, cuqdad iwm qof ku dhicid.
5
Dhar iwm xirnaan.
Is-rogga falkan

-bay, -btay