Qaamuusle LogoQaamuusle

qodob

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

qodob1
Magac lab
1
Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. qaybsama
2
Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo.
3
Qaybaha sharciga u mid ka mid ah.
4
Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda.
5
Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.
Wadarta Magacan

-dbo, m.l

qodob2
Magac labNaxwe
Qurub magacyada qaarkood ka raaca dhammaadka si uu uga dhigo wax cayiman.
Tusaale
Aqal- ka
inan-ta
Wadarta Magacan

-dbo, m.l

qodob3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Dun, xarig iwm laba waxood iskula qabasho.
2
Musmaar gaaban oo daba buuran leh kabo iwm ku qurxin.
3
Gabadh la guday tolid.
Is-rogga falkan

-dbay, -dobtay; -dbi