Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. ld rake.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Rah-a)
Bahal yar oo birriga korkiisa iyo biyaha gudohoodaba ku nool; wuxuu lee yahay afar addin, labo lugood oo aad u xoog badan iyo labo jeeni oo gaaggaaban, iyo oogo qoyan oo jilicsan. Markuu rah dhab ah noqdo oo lullumannimada dhaafo, dabo ma leh. Itaalki waa booddo dheer yahay; rake.