Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
rahaamad1
Magac dheddig
Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay. ld rahan².
Wadarta Magacan
-do, m.l
rahaamad2
Magac dheddig
Dhaqaale
Lacag, dahab, guri ama dhul rahan ahaan loo dhigo marka bangi ama cid kale laga qaadanayo dayn. Haddii deynqaatuhu bixin waayo lacagta uu qaatay amaah-bixiyaha waxaa, si sharci ahaan lagu wareejinayaa rahaamadda.
Wadarta Magacan
-do, m.l
rahaamad3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Cid wax amaahatay damaanad dhigid.
Is-rogga falkan
-day, -dday
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Rahaamad-da)
1. Wax laga sii hayo qof deyn qaatay; curaar; rahan.