sal (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
sal
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
46 jeer ayaa la eegay
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
sal1
Magac lab
1
Jirrid, gun.
2
Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
Wadarta Magacan
-lal, m.l
sal2
Magac lab
1
(nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar).
2
(xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
Wadarta Magacan
-lal, m.l
sal3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Hilib saafid.
2
Biyo ku oon beelid. ld sol.
Is-rogga falkan
-alay, -ashay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Sal-ka)
1. Jirridda wax lee yihiin; gun.
2. Kolka la fadhiyo kobta dhulka la dhigo; bari.
3. Fadhi; saldhig, xasil; degganaan.
4. Meel la isugu soo hagaago; guurguurid iyo is bedbeddel la'aan; hal'adayg; mabda'.