Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto.
2
Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. ld seriir.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Saliid-da)
Wax dareera oo dufan leh oo ama dhirta laga helo (seytuun, sisin, gabbaldaye, ...) ama wax nool (neberi, kalluun, ...) ama macaadinta (betrol iyo wixii ka soo jeeda), ~ dufan.