Geed la beerto oo miro kulkulucsan oo khudrad ahaan loo cuno dhala.
2
Miraha geedka seytuunku dhalo.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Seytuun-ka)
1. Geed geedaha kuwa u waxtar badan ka mid ah oo geed-abaareed ah; waxaa mirihiisa laga lisaa saliid-seydda la wada yaqaan.
2. Miraha seytuunka ka baxa, oo ama sidooda loo cuno (iyagoo cusbaysan ama khal lagu daray) ama saliid laga sameeyo, saliidseydda, sida subagga oo kale baa wax loogu iidaantaa oo loogu shiilaa; waxay kale oo wax ka tartaa saabbuun-samayska.
3. Geed kale oo labaad oo Soomaalidu seytuun u taqaan iyo mirihiisa, iyagana la cuno; guwaafa ama jawaafa.