Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.
Wadarta Magacan
-llo, m.dh
shakaal2
Magac lab
Xisaab
Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha.
shakaal3
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
1
(f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid.
2
(f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo.