Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
shirib1
Magac lab
Cayaar raggu dheelo iyadoo warmo iyo gaashaamo la qurxiyey la sito oo taagnaan iyo socodba lagu tumo.
shirib2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Shirib cayaarid.
Is-rogga falkan
-rbay, -ribtay; -rbi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Shirib-ka)
Cayaar raggu lee yahay oo la tumo iyadoo warmo iyo gaashaammo la qurxiyey la sito; waxay ka mid tahay cayaaraha shirarka waaweyn oo taagnaan iyo socodba waa lagu tumaa.