Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
takh1
Magac lab
Badbadka soorta. ld takhid. takh²
takh2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Soor karaysa badbadid.
Is-rogga falkan
-khay, -khday
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Takh-a)
Budo la karshey iyo wixii la mid ah ama u eg, kolka ay dusha ka qaboobaan uurkana ka kulul yihiin, gaaska ama neecawda kulul oo sida qarxasho ahaan, dibadda u soo baxbaxa, oo meeshiiba raad goobaabin ah ku reeba.