Qalab hirar birlab danabeedka ku qaada silig oo leh qayb hadalka dirta iyo mid qabata oo ay ku wada hadlaan laba qof oo kala fog.
2
Hadalka taleefoonka la isku gaarsiiyo. ld telefoon.
Wadarta Magacan
-nno, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
* (Taleefan-ka)
Hab ama qalab lagu wada hadlo iyadoo la joogo meelo kala fog; wuxuu lee yahay dhinac hadalka dira, inta hirar ama xiisad is cirbinaysa u roga iyo dhinac xiisaddaas qabta oo hadal u roga; wuxuu kaloo lee yahay xargo silig ah oo hadalka qaada ama hadalku raaco iyo weji lanbarro la warwareejiyo leh oo hadba xargihii la rabo isku xirxira; (ama telefoon).