Qaamuusle LogoQaamuusle

tallaal

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

tallaal1
Magac lab
1
Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo.
2
Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda.
3
Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero.
4
Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.
Wadarta Magacan

-llo, m.dh

tallaal2
Magac labDaawo
Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah.
Wadarta Magacan

-llo, m.dh

tallaal3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Tallaal ku samayn.
Is-rogga falkan

-aalay, -aashay