Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
tallaal1
Magac lab
1
Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo.
2
Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda.
3
Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero.
4
Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.
Wadarta Magacan
-llo, m.dh
tallaal2
Magac lab
Daawo
Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah.
Wadarta Magacan
-llo, m.dh
tallaal3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Tallaal ku samayn.
Is-rogga falkan
-aalay, -aashay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Tallaal-ka)
1. Sac furuq qaba malax laga soo qaado oo dabadeed qof jirki la geliyo, si qofkaasi cudurka furuqa uga nabadgalo oo guri ama kabbax uga noqdo; tariib.
2. Wixii sida malaxdaas ka samaysan bahallada cudurrada keena oo dhintay, oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo.
3. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda.
4. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero.
5. Labo geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo miro hor leh oo kuwi hore ka wanaagsan u dhalaan.