Ereygan wuxuu leeyahay 4 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
tǫog1
Magac dheddig
1
Aqoonta liishaanka.
2
Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.
tog2
Magac lab
Meel godan oo biyo mareen ah.
Wadarta Magacan
-gag, m.l
tog3
Magac lab
Juqraafi
Biyo mareen lama degaan kaa soo badanaa engegan, oo biyo leh kaliya xilli roob badan kaddib. Togaggu waxay guud ahaan ku baaba'aan lamadegaanka dhexdiisa, waxa laga yaabaa inay ka siilaabmaan lamaddegaanka laftiisa, ama dhalaalidda barafyada ee buuro fog.