Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
unug1
Magac lab
Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya.
Wadarta Magacan
-gyo, m.dh
unug2
Magac lab
Baayoloji
Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA.
Wadarta Magacan
-gyo, m.dh
unug3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Unug samayn.
Is-rogga falkan
-nkay, -nugday; -nki
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Unug-ga)
Wax aan hor u jirin oo la curina hayo, bilawga ugu horreeya.