Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
wadaag1
Magac lab
Wax dad badan ka dhexeeya oo aanu qofna gaar u lahayn.
wadaag2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
La w.: wax qaybsashadooda ama manaafacaadsigooda cid kale la qaybsasho.
Is-rogga falkan
-gay, -gtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Wadaag-ga)
1. Lahaan dad badan ka dhexaysa ee aan qof gooni u sheeganayn.
2. Wax dad badan ka dhexeeya oo qofba kalkiisa wax ku qabsanayo ama haynayo ama loo dhiibayo.
3. Hab Soomaalidu caanaha u dhanto: inta layska soo horjeesto (haddii 2 qof la yahay) ama garangar loo fariisto (haddii la badan yahay) baa qofkii weelka caanaha ah loo dhiibaaba, inta kabbado isaguna kolkiisa kan midigta ka xiga u dhiibaa, dantuna waa si caanuhu (kolkay yar yihiin) u wada gaaraan oo aan loo kala bursan.