Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
xasad1
Magac lab
Wanaagga dadka kale helayo oo laga naxo ama la nebcaado ama la jeclaysto in iyaga laga qaado oo isaga loo soo wa- reejiyo; khayrka dadka kale haysto oo laga gubto.
xasad2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Cid xasad kula kicid, xaasid ku noqosho. ld xąasid².
Is-rogga falkan
-sday, -sadday; -sdi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Xasad-ka)
Wanaagga dadka kale helayo oo laga naxo ama la nebcaado ama la jeclaysto in iyaga laga qaado oo isaga loo soo wareejiyo; khayrka dadka kale haysto oo laga gubto.