Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
xoor1
Magac lab
1
Bahal dabacaddaha la bah ah; wuxuu leeyahay dhogor adag oo duf ah oo bey ah; aad wuxuu u laayaa halaqa, jiirka, kd., fudaydna looma dili karo.
2
(2)
Wadarta Magacan
-rar, m.l
xoor2
Magac dheddig
1
Xumbo cad oo caanaha la lisay yeeshaan.
2
(2)
Magac xiddi-good.
xoor3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax tuurid.
2
Wax dhumin.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Xoor-ka) a) Bahal dabacaddaha la bah ah; wuxuu lee yahay dhogor adag oo duf ah oo bey ah; aad wuxuu u laayaa halaqa, jiirka, kd., fudaydna looma dili karo. b) Xoorta. c) (xiddigo) Xiddigta lixaad oo daalallida.
2. (Xoor-ta) Xunbada caanaha xoog loo lisaa yeeshaan.