Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
yib1
Magac dheddig
Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo.
yib2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Yib cayaarid.
Is-rogga falkan
-bay, -btay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Yib-ta)
Cayaar shan iyo labaatan hogood leh oo labo qof afar iyo labatan dhagax oo kala midabaysan ku cayaaraan (qofkiiba 12); bub.