ama (Xiriiriye) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
ama
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
54 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Xiriiriye
Erey kala xiriirfura laba magac ama laba weerood.
Tusaale
“Baasto ama bariis ii keen”
“Ama tag ama joog”
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
Erey isku xira labo hadal ama labo tixood, isla kolkaasna kala xiriirfura oo sheega inaan la isku hela hayne, tii la helaa ay tan kale meesha ka saarayso (aniga ama adiga; wax i sii ama i qadi).