mar
4 Qaab ayuu ereygan leeyahay
mar1
Magac lab1
(-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol.
2
M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm.
3
M.kiiba: isla waqtigiiba, durba.
4
la midka ah (ld):
marid
mar2
Magac dheddig1
Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan.
2
Qiimaha naagnimo.
Wadarta Magacan
-ro, m.l
mar3
Xiriiriye1
(nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo.
Tusaale
“Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”
2
(nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah.
Tusaale
“Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”
mar4
Fal gudbe, isrogrogga 1aad1
Meel gudbid.
2
Dhaarasho.
3
Wax, wax ku duubid.
4
Wax baabuur iwm dardarid.
5
Nafley dabayl jin iwm ku dhicid.
6
Isku m.: wax xoog isku duubid.
7
Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.
Is-rogga falkan
-ray, -rtay