baraarug
3 Qaab ayuu ereygan leeyahay
baraarug1
Magac lab1
Dareen iyo feejignaan dheeraad ah oo arrin loo yeesho.
2
Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh oo hurdo looga koco. ld baraarugid.
baraarug2
Magac dheddigDugaagad bir ama maar ah oo carruurta gacanta ama lugta loogu xiro si ayan hurdada uga soo sasin.
Wadarta Magacan
-go, m.l
baraarug3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad1
Qof iskiis hurdo uga kicid.
2
Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh hurdo ugu kicid.
3
Dareen iyo feejignaan dheeraad ah arrin u yeelasho.
Is-rogga falkan
-gay, -gtay