Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
baar1
Magac lab
1
Fiidda sare ee geed ama timo iwm.
2
Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa.
3
Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro.
4
Isha baalkeeda.
5
(-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.
baar2
Magac dheddig
1
Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh.
2
Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.
Wadarta Magacan
baar, m.dh
baar3
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax qarsoon raadin.
2
Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco).
Tusaale
“Hilibkii wuu baarey”
Is-rogga falkan
-ray, -rtay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Baar-ka) a) Geedka madixiisa kore oo laamuhu ka baxaan. b) (geel) Timaha kuruska korkiisa ka baxa. c)* Meel lagu iibsho waxyaalaha la cabbo, badanaa taagnaan baa wax lagu cabbaa.
2. (Baar-ta) Geed jaadad badan ah oo dhulka kulul ka baxa: wuxuu leeyahay dhex dheer oo aan lamo lahayn, madaxana wuxuu ku lee yahay caleemo aad u waaweyn oo dheerdheer.