Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
cadaadis-gibileed1
Magac lab
Fiisikis
Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
Wadarta Magacan
-dyo, m.dh
cadaadis-gibileed2
Magac lab
Fiisikis
Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).