Qaamuusle LogoQaamuusle

dharab

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

dharab1
Magac lab
1
Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni.
2
Rays aad u qoyan.
dharab2
Magac labFiisikis
Qoyaanka ku dul dhaca habeenkii dhulka dushiisa, amase waxyaalaha kale oo dhulka ku yaal ama dul saaran, sida cawska iyo caleemaha, waxaa qabooba oo dhibco noqda oo soo daata uumiga ku jira gibilka hoose ee dhulka korkiisa.
dharab3
Magac dheddig
1
Dhiriqda lo'da.
2
la midka ah (ld):
dhereb