Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dhasheeg1
Magac lab
Biyakuhar; balli; laas.
Wadarta Magacan
-gyo, m.dh
dhasheeg2
Magac lab
Juqraafi
Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Wadarta Magacan
-gyo, m.dh
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Dhasheeg-ga)
Dhulka meeliisa hooseeya oo biyaha webiyaashu ku soo daadaan oo hadba inta buuxsama harooyin u ekaada; biyabbaxo; godob.