1
(f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid.
2
(f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid.
3
(f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid.
Tusaale
“Dhurwaa baa xeradii u dhacay”
4
(f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid.
5
(f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid.
6
(f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid.
7
(f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho.
8
(f.mg) Dabayl xoog u socosho.
9
(f.mg) Xabbad iwm qarxasho.
10
(f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid.
11
(f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid.
12
(f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid.
13
(f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho.
14
U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid.
15
(f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).