dhac
2 Qaab ayuu ereygan leeyahay
dhac1
Magac lab1
Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato.
2
Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay.
3
la midka ah (ld):
dhicid
dhac2
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad1
(f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid.
2
(f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid.
3
(f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid.
Tusaale
“Dhurwaa baa xeradii u dhacay”
4
(f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid.
5
(f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid.
6
(f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid.
7
(f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho.
8
(f.mg) Dabayl xoog u socosho.
9
(f.mg) Xabbad iwm qarxasho.
10
(f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid.
11
(f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid.
12
(f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid.
13
(f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho.
14
U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid.
15
(f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).
Is-rogga falkan
-cay, -cday; -dhici