Qaamuusle LogoQaamuusle

dhig

4 Qaab ayuu ereygan leeyahay

dhig1
Magac lab
Wax laba meelood loo qaybshey, middood.
dhig2
Magac dheddig
1
Ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal soomaaliga lagu dhiso.
2
Summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda.
Wadarta Magacan

-go, m.l

dhig3
Magac dheddigJuqraafi
Xarriiqo barbarra ah oo isku xira cirifka waqooyi iyo kan koonfureed.
Wadarta Magacan

-go, m.l

dhig4
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
1
(f.g) Wax la siday meel saarid.
2
(f.g) Wax keydin.
3
(f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid.
4
(f.g) Cid wax barid.
5
(f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin.
6
(f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid.
7
(f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid.
8
Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho.
9
Kala dh.: wax kala saarid.
10
Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
Is-rogga falkan

-gay, -gtay