Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
diirad1
Magac dheddig
Aalad lagu kala garto jahooyinka, leh qaab sacadeed oo lagu hoggaamiyo maraakiibta.
Wadarta Magacan
-do, m.l
diirad2
Magac dheddig
Naxwe
Marka uu qof hadlayo, weer kastoo ka mid ah warkiisa waxaa ka mid ah qayb uu si gaar ah u danaynayo, sidaas darteed hadluhu wuxuu adeegsadaa summad (baa/ayaa, waa) u baaqda dhegeystaha qaybtaas.
Wadarta Magacan
-do, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Diirad-da)
Qalab saacadda qaabkeeda leh oo afarta docood (woqooyi, galbeed, koofur, bari) ku qoran yihiin oo laga garto; waxay leedahay irbad danabaysan oo weligeed afkeedu xagga woqooyi u jeedo.