Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
dillaan1
Magac lab
1
Dhicidda wax culusi dhinac u dhaco.
2
Leexashada wax badani hal mar dhinac u wada leexdo.
dillaan2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
1
Wax culus dhinac u dhicid.
2
Wax badan hal mar u wada leexasho. ld dullaan².
Is-rogga falkan
-aamay, -aantay; -aami
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Dillaan-ka) Wax weyn uo culus ama badan oo iyagoo isku duuban, xoog doc ugu dhaca ama ugu leexda; wax weyn oo soo guura ama soo ruqa; aguug; (ama dullaan).
2. (Dillaan-ta) Wax la diley ahaansho (ama dilnaan).