Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
diric1
Magac lab
1
Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh.
2
Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.
Wadarta Magacan
-cyo, m.dh
diric2
Magac lab
1
Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto.
2
Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.