Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
fadhi1
Magac lab
1
Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay.
Tusaale
“Fadhigeygu waa Afgooye”
2
Lo' tiradeedu boqol gaartay.
3
Shir muhim ah.
fadhi2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad ama isrogrogga 2aad
1
Salka meel dhigid.
2
Rasmi ahaan meel u degid.
Is-rogga falkan
-iyay, -iday/isay; -iyi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Fadhi-ga)
1. (dad) salka oo dhulka lagu hayo iyadoo madaxa iyo dhabarku, toos xagga cirka ugu taagan yihiin, luguhuna ama laaban yihiin ama fidsan yihiin.
2. Dad koox ah oo arrin gaar ah inay ka taliyaan ama wax ka qabtaan loo magacaabay; meesha ay hawsha ku hayaan ama muddada ay hadba hawsha ku gudajiraan oo ka hadlayaan; shir; urur.