Qaamuusle LogoQaamuusle

fadhi

2 Qaab ayuu ereygan leeyahay

fadhi1
Magac lab
1
Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay.
Tusaale
Fadhigeygu waa Afgooye
2
Lo' tiradeedu boqol gaartay.
3
Shir muhim ah.
Tusaale
Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay
4
Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq.
5
Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto.
6
la midka ah (ld):
fadhiyid
Wadarta Magacan

-iyo, m.dh

fadhi2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad ama isrogrogga 2aad
1
Salka meel dhigid.
2
Rasmi ahaan meel u degid.
Is-rogga falkan

-iyay, -iday/isay; -iyi