Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
fiiq1
Magac lab
1
Caarad, af.
2
Qalista indhaha.
3
Qashin.
4
Meesha u sarreysa wax dheer.
Wadarta Magacan
-qyo, m.dh
fiiq2
Magac dheddig
fiiq3
Fal gudbe ama magudbe, isrogrogga 1aad
1
(f.g) Wax diir ka qaadid.
2
(f.g) Wax caarad dhuuban u yeelid.
3
(f.g) Indho qalid.
4
(f.g) Meel xaaqid.
5
(f.mg) Far ku f., gacan ku f.: wax dhuuban wax ku tilmaamid.
Is-rogga falkan
-qay, -qday
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Fiiq-a) a) Af dhuuban oo wax muda; caarad. b) Qalista indhaha, c) Wasakhda dhulka laga xaaro; qashin.
2. (Fiiq-da) Caano ama biyo, kd., oo loo kabbado sida kolka wax kulul la fuuda hayo oo inta bushimaha loo dhoweeyo, xiisadda dabaysha lagu soo nuugo; fuuqsad.