Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
gabay1
Magac lab
Nooc maansada ka mid ah oo leh qaafiyad, luuq iwm oo aan muusig loo tumin.
Wadarta Magacan
-yo, m.dh
gabay2
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Gabay tirin.
Is-rogga falkan
-byay, -bayday; -byi
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Gabay-ga)
Tixo la tirsho oo ka kooban ereyo iyo xuruuf qiyaasan oo tirsan oo xaraf ku dhisan; wuxuu lee yahay tixo is wada dherer le'eg iyo ereyo xulanti ah oo midba la gesho meel uu ku habboon yahay; qaarkood waxay lee yihiin dhawaaqyo iyo yeer isu eg'eg oo tixaha xubno looga dhigo oo lagu dhex googgooyo si ay u yeeshaan luuq iyo dhicitaan laysla hela hayo, muusikana ku dhafan tahay, oo dhabaqa iyo deelqaafka ka ilaaliya. Gabaygu, sida maansada xubneheeda kale (geeraar, jiifto, kd.), wuxuu ka hadlaa wax kastoo qofka laabtiisa ku soo dhaca, wuxuuna lee yahay saamays daran oo kan hadalka kale ka xoog weyn; waa laga luuqiyaa.