Geed-gaab la beero oo leh caleemo balballaaran iyo ubax wareegsan oo hurud ah oo hadba meesha qorraxdu ka jirto u jeesta oo laga miiro mirihiisa saliid. ld gabbalday.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Gabbaldaya-ha)
Geed la abuuro oo jaadad badan u kala baxa; wuxuu lee yahay ubax dhexda ku leh gaashi weyn oo ah cawl ama cillaan ama darmad ama madow; gaashida qarkeeda waxaa ku teedsan caleemo ubax oo cillaan ah, gudeheedana waxaa ka buuxa abuur (iniino) faro badan oo saliid la cuno laga liso. Ubuxu hadba docda qorraxdu jirto buu u jeestaa; qorraxday; (ama gabbalday).