Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
gef1
Magac lab
gef2
Magac lab
1
(fiis.) Cabbiraadda ama qiyaasta aan la hubin ee xaddi. Tusaale ahaan, kulbeeg meerkari ah badanaaba waxa suurtaggal ah in heerkulka laga akhriyo darajada ugu dhow.. (xis.) Marka laga hadlayo saafid tireed gefafku waa laba nooc: a) g. duubid: jawab tireed aan sugnayn ee ku soo baxda xisaabinta; b) Gefaf la jare ah: waxa ay la xiriiraan xadad lagama maarmaan ah ee ku jira sugnida seeb.
Wadarta Magacan
-faf/-fef, m.l
gef3
Fal magudbe, isrogrogga 1aad
Is-rogga falkan
-fay, -ftay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Gef-ka)
1. Wax aan run ahayn oo run la moodo; si qalloocan oo wax loo garto; wax aan toosnayn oo la falo ama la sheego; hal jaban; qalad; laaxin.
2. Xumaan; waxyeello; meelkadhac.
3. (senen) waxa qof doonayo oo loo saadiyo (saad been ah) inuusan hela hayn, sida nin duullaan u socda oo lagu yiraahdo geel soo heli meysid; waxaa la qabaa in qofkii loo gefo uu wax helo (ama gaf).