Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
kabbax1
Magac lab khabar
K. ah: nafley cudur ku dhacay kana bogsootay oo jirkeedu sameystay difaac.
kabbax2
Magac lab
Daawo
Xaaladda aanu xayawaanku u nuglayn caabuqa kaga yimaada noolayaasha cudurrada dhaliya ama waxyeellada ka soo gaadhi karta suntooda; kabbaxu waxa uu ku xidhanyahay marka ay dhiigga ku jiraan lid jidh-galayaal iyo unugyada cad-cadi (limfosayto) kuwaas oo soo saara jawaabis kabbaxeed.