Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
karantiin1
Magac lab
1
Meel lagu takooro nafley cudur halis ah qabta.
2
K. ah: nafley cudur halis ah qabta oo meel lagu go'doomiyay. ld karantiil.
karantiin2
Magac lab
Daawo
Muddada qof ama neef xoolo ah lagu hayo meel duwan si looga hortago fidista cudur la isqaadsiiyo. Waagii hore muddada karantiinku wuxuu ahaa 40 beri, hadda cudurrada kala duwan waxay leeyihiin muddo karantiin oo kala duwan.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
* (Karantiin-ka)
Waqti tirsan oo qof cudur xun oo la is qaadsiiyo qaba dadka laga dhexsaaro; weelduwid.