Ereygan wuxuu leeyahay 2 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
miis1
Magac lab
1
Qalab ka samaysan alwaax, bir, ama wax kale oo fidsan lugo ku taagan oo siyaalo kala geddisan loogu isticmaalo xafiisyada iyo guryaha.
2
Xoogaa cunto ah oo beegan oo aan bislayn.
3
Heer nolosha laga gaaro.
4
Meel dad koox ahi cunto loogu sameeyo.
5
miis2
Fal gudbe, isrogrogga 1aad
Cunto beegid.
Is-rogga falkan
-say, -stay
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Miis-ka)
1. Qalab guri ama xafiis oo ka samaysan alwaax ama bir ama wax kale oo fidsan oo lugo ku taagan; dushiisa wax baa lagu cunaa ama la saaraa ama lagu qoraa; shillal (ama miisad).