mingis (Magac lab) — Macnaha iyo Qeexitaanka | Qaamuusle
Macnaha Ereyga
mingis
ee Qaamuuska Af-Soomaaliga
44 jeer ayaa la eegay
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
Magac lab
1
(dii.) Rooxaan ama jin la rumaysanyahay in uu dadka cudur geliyo.
2
Cudur dadka ku dhaca oo la aamminsanyahay inuu ka yimaado rooxaanta (mingiska).
3
Cayaar jiib, jaan iyo durbaan leh oo loo tumo qofka jirrada mingiska qaba.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Mingis-ka)
Cayaar ragga iyo dumarkuba ka qayb galaan; dhinac tumiddeedu aad bay u qurux badan tahay, dhinacna senen aad u foolxun bay ku dhisan tahay; waa loo dhacaa oo loo bukoodaa oo waxaa la qabaa in jinniyo magacyo badan leh (sida: Maamme; Yoose) ay dadka caafimaadkiisa gacanta ku hayaan.