(m.w) (- do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.
Wadarta Magacan
-do, m.l
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
(Muraayad-da)
Kor siman oo layska arko, siiba cad dhalo ah, oo inta doc laga marsho dheeh lacageed (qalin) ama wax la mid ah, oo daruur la geliyo laysku arko; mandarad; biladdaye.