Ereygan wuxuu leeyahay 3 Qaab iyo macneyaal kala duwan.
Qaamuuska 2012
Cabdalla C. Mansuur & Annarita Puglielli
neef1
Magac lab
1
Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah.
2
Faras si gaar ah u tilmaaman.
3
Qof garasho yar.
Wadarta Magacan
-faf, m.l
neef2
Magac dheddig
1
Hawada nafleyda.
2
Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iwm.
3
Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.
Wadarta Magacan
-fo, m.dh
neef3
Magac dheddig
Fiisikis
Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna.
Qaamuuska 1976
Yaasiin Cismaan Keenadiid
1. (Neef-ka) a) Xoolaha nool mid kamid ah. b) Faras.
2. (Neef-ta) a) Naacawda sankunneefluhu ku nool yahay oo kolna sanbabbada gudohooda gasha oo buuxisa kolna sanka iyo afka ka soo baxda. b) Naacaw kasto meel gudo ah ku jirta ama ka soo baxda.