Qaamuusle LogoQaamuusle

neef

3 Qaab ayuu ereygan leeyahay

neef1
Magac lab
1
Xoolaha la dhaqdo mid ka mid ah.
2
Faras si gaar ah u tilmaaman.
3
Qof garasho yar.
Wadarta Magacan

-faf, m.l

neef2
Magac dheddig
1
Hawada nafleyda.
2
Qaybaha hawadu u kala baxdo mid ka mid ah sida haydarojiinta, ogsojiinta iwm.
3
Cudur dadka ku dhaca oo neefsashadu dhibto.
Wadarta Magacan

-fo, m.dh

neef3
Magac dheddigFiisikis
Wejiga maatarka ee xoogagga isjiidashada ee u dhexeeya saxarrada walaxdu ka koobantahay uu yaryaryahay. Saxarradaasu waxay leeyihiin xorriyad dhadhaqaaq, sidaas awgeedna neefuhu ma laha qaab iyo mug go'an midna.